10 qofood oo lagu dilay gobolka Hiiraan kadib markii…

by admin | Tuesday, Jun 25, 2019 | 768 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan .

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Warardheer oo dhinaca koonfur 60 KM ka xiga degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyay labo beeleed oo wada daga halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay illaa lix Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dadka waxyeelada ugu badan ka soo gaartay dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa in ay u badan yihiin kuwa rayid ah, kuwaas oo la socday Gaari rakaab ah oo dhinac ka mid ah Maleeshiyaadkaasi la sheegay in ay ku fureen rasaas xoogan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is horfadhiya dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Xiisada u dhexeysa labadan Maleeshiyo Beeleed ayaa in muddo ah ka taagneyd nawaaxiga degmada Matabaan, waxaana ay iska dileen inta ay dagaalamayeen tiro aad u badan.

Like it? Share it!

Leave A Response