11 Sannadood Kaddib, Clasico Oo Laga Waayey Ronaldo Iyo Messi – Shaxda Kooxdii Ugu Dambaysay Ee Real Madrid vs Barcelona Ka Hor Ronaldo Iyo Messi + Kooxdii Guuleysatay

by admin | Sunday, Oct 21, 2018 | 1067 views

Sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey, horyaalka waxa si wada jir ah u shidi jiray oo hoggaamiyeyaasha Barcelona iyo Real Madrid ahaa Messi iyo Ronaldo, kuwaas oo kaliya aan koobabka iyo kooxahooda oo kaliya ku tartamaynin, hase yeeshee loollankooda kale ahaa ku guuleysiga abaal-marinada shaqsiga ah oo ay si is le’eg u qaybsadeen xiddignimada Ballon d’Or.

Xagaagii ayaa ay soo xidhantay sheekada sagaalka sannadood socotay markaas oo Cristiano Ronaldo uu Real Madrid uga wareegay Juventus, hase yeeshee Lionel Messi oo kaligii soo hadhay, waayeyna ninkii ay is eryan jireen, ayaa waxa uu dhaawac jabniin ah ka gaadhay gacanta midig kaas oo uu u jiifi doono muddo saddex usbuuc ah oo muddada uu maqan yahay ay qabsoomi doonto ciyaarta Clasico.

Qiimayntii iyo isbarbar-dhiggii labada xiddig, dhaqdhaqaaqoodii sida gaarka ah loo calaamadin jiray iyo guushii uu midkood go’aamin jiray midkoodna ma jiri doonto toddobaadka dambe, waxaana garoonka iskugu soo hadhi doona ciyaartooyadii caadiga ahaa maadaama Ronaldo iyo Messi lagu tilmaami jiray inay ka sarreeyaan ciyaartooyada kale oo waxqabadkoodu yahay mid ka  duwan dadka caadiga ah.

Dhaawaca Lionel Messi iyo tegistii Ronaldo, waxa ay ciyaarta Axadda ka dhigi doonaan mid aan lahayn xamaasaddii weynayd ee sida shaqsiga ah labada ciyaartoy loogu eegayey, hase yeeshee dhinaca kalena waxa la qiimayn doonaa awoodda ay leeyihiin labada kooxood inay ku socdaan iyagoo ay xiddigahani ka maqan yihiin.

Lionel Messi ayaa kusoo horreeyey garoomada Spain marka la eego Ronaldo, sababtoo ah, waxa uu ahaa da’yar sannadkii 2004tii llaa hadda soo taagnaa, hase yeeshee xili ciyaareedkii 2007 waxa uu seegay ciyaar sidan oo kale ay Real Madrid ula ciyaareen.

Kulankaas oo Real Madrid ay 1-0 ku badisay ayaa waxa halyey ka noqday laacibkii reer Brazil ee Julio Baptista oo gool qurux badan ku sagootiyey Barcelona oo dhibcaha ku siiyey kooxdiisa Madrid.

Shaxdii labada kooxood ee kulankaa:

Barcelona (4-3-3): Valdes; Puyol (Zambrotta, 77), Milito, Marquez, Abidal; Xavi (Krkic, 80), Toure, Deco (Dos Santos, 56); Ronaldinho, Eto’o, Iniesta.

Real Madrid (4-3-3): Casillas; Ramos (Torres, 87), Pepe, Cannavaro, Heinze; Sneijder (Gago, 78), Diarra, Baptista; Robinho (Robben, 84), Van Nistelrooy, Raul.

Si kastaba ha ahaatee, Axadda waxa qalinka loo qaadan doonaa in la qiimeeyo sida ay labada kooxood u kala awood badan yihiin maqnaanshaha labadan laacib.

Like it? Share it!

Leave A Response