15; qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay duleedka Maxaas,Hiiraan

by admin | Saturday, Dec 22, 2018 | 758 views

Ugu yaraan 15 Qof oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday halka dad ku dhow 30 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay labo Malleeshiyo beeleed ku dagaallameen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Maxamed Cabdi Cawaale Gudoomiyaha Maxaas ayaa sheegay in dagaal gelinkii dambe shalay ka bilawday deegaan dhaca duleedka Degmadaas uu ka dhashay khasaare isugu jiro Dhimasho iyo dhaawac.

Waxa uu tilmaamay in Isbitaalo ku kala yaalla Magaalooyinka Maxaas iyo Guriceel  la kala geeyay dadka ku waxyeeloobay Dagaal Beeleedka.

Gudoomiyaha Maxaas ayaa intaa ku daray in dagaalka uu ahaa mid si kadis ah u bilawday, Labada Maleeshiyo Beeleed ay wali is hor fadhiyaan, sidoo kalena aan jirin Cid kala dhex gashay.

Waxaa uu sheegay in  15 qof ay geeriyoodeen, 30-kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana la daweynayaa dadka Dhaawacmay.

Maleeshiyaadkaan ayaa gogol lagu heshiisiinayo dagaalo horay u dhexmaray taalla Degmada Maxaas, hayeeshee waxaa jabtay xabad joojintii la kala dhex dhigay.

Illaa iminka ma jirto cid kala dhex gashay, labadaan maleeshiyo beeleed, Gudoomiyaha Maxaas ayaa sheegay in dagaalka uu si iskii ah u istaagay, dhinacyadii dagaalamayne ay wali is hor fadhiyaan.

Culimada, Odoyaasha dhaqanka, Maamulada Hir-Shabeelle iyo Galmudug waxa uu ka dalbaday in ay gacan ka geystaan kala dhexgalka maleeshiyaadkaan si aan dagaalka ugu sii faahin deegaanno horleh

Like it? Share it!

Leave A Response