16,160 oo arday oo imtixaan u fadhiisanaya degaanada Puntland

by admin | Saturday, Jul 4, 2020 | 392 views

Maanta Sabti ah oo ay taariikhdu tahay 4 bisha Julay , 2020 waxaa Imtixaankii Shahaadiga ahaa u fariisanaya dhamaan ardayda Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare iyo Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe ee Puntland.

Ardayda imtixaanka u fariisanaysa tiradoodu waxay gaaraysaa 16,160 arday, waxayna imtixaanka ku kala galayaan 134 xarumood oo ku kala firirsan 9ka gobol ee ay Puntland ka kooban tahay.

Sanad walba xilligaan oo kale ayaa la qabtaa imtixaanka Shahaadiga ah ee ka dhaca Deegaannada Puntland, kaaso ah imtixaan lagu qiimaynayo ardayga waxsooo baranayay muddada 8 sano ah iyo sidoo kale kan isna waxbarashada soo waday 12ka sano, si loo hubiyo aqoontooda iyo tayadooda waxbarasho.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu waddaa in uu daahfuro Imtixaanka.

 

Like it? Share it!

Leave A Response