2-dii Milyan Ee Waare Kula Heshiiyey Inay Siiso DF-ka Oo Buuq Kale Abuuray

by admin | Saturday, Sep 22, 2018 | 863 views

Dawlad Gobolleedka HirShabelle ayaa waxa ay Lacag Labo Milyan Dollar Ah in lasiiyo ku heshiiyeen Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Kadib Heshiiskii uu ku dhawaaqay madaxweyne Waare ee aheyd inuu Dhamaaday Khilaafkii kala dhaxeeyey Dawlada Dhexe waxa durba soo baxaya Buuq hor leh.

Xildhibaan Aadan Cabdi Kala Dire oo ka mid ah Baarlamaanka HirShabelle waxa uu ku Eedeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare mid Hanti badan jeebka gishaday oo Xisaab celin aan sameynin.

Waxa uu sheegay in hadda ay doonayaan keliya in lala ogaado Labadaan Milyan Ee HirShabelle loogu talo galay taas oo hadii uusan keenin Baarlamaanka Hortiisa ay Xilka ka qaadi doonaan.

Siyaasiyiin kasoo jeeda HirShabelle ayaa ku taliyey in Waare Codka kalsoonida ay Baarlamaanka kala noqdaan maadaama uu ku fashilmay hogaaminta Bulshada labada Gobol

Like it? Share it!

Leave A Response