200 oo qof oo Soomaali ah oo ku xayiran degaanka Guji

by admin | Sunday, Jul 22, 2018 | 1220 views

Ku dhawaad 200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda ee dalka Itoobiya.

Dadkaan ayaa kasoo barakacay degaano u dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Oromadda, waxaana ay ku jiraan saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska dalka Itoobiya.

Dadkaan ayaa sheegay in aysan heysanin meel ay u baxaan,islamarkaana hadii ay banaanka u soo baxaan in ay halkaasi ay ku dili doonaan ciidamada Oromadda.

Dadkaan ayaa isugu jira ,Carruur, Haween iyo waayeel intaba.

Qaar ka mid ah dadka xabsiga ku jira ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan haween xabsiga ku dhex umulay saacaddihii lasoo dhaafay.

Meesha hadda ay ku sugan yihiin ayay sheegeen in ay ku qabaan dhibaatooyin badan sidda Caafimaad daro.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee Itoobiya ayay ugu baaqeen in si deg deg ah loo soo gaaro si meesha looga saaro.

Like it? Share it!

Leave A Response