Wabiga Shabeelle oo fatahaad horleh ka sameeyey Shabeellaha Dhexe

by admin | Tuesday, Jul 10, 2018 | 1039 views

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in Tuulooyin hoostaga Magaaladaasi uu fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle.

Tuulooyinka uu fatahaada ka sameeyay Webiga Shabeelle ayaa waxa ay dhanka koonfur ka xigaan Magaalada Jowhar waxaana ka barakacay dadkii ku noolaa deegaanadaasi oo ahaa dhamaantood xoolo dhaqato iyo beeraley.

Qof kamid ah Dadka deegaanada uu ka fatahay webiga Shabeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay  in uu saameyn ku yeeshay fatahaada uu sameeyay webiga Shabeelle,isagoo sidoo kale sheegay in uu saameyn xoogan u geystay guryihii ay ku noo laayeen

Wuxuu sidoo kale sheegay in Dadkii kasoo barakacay fatahaada uu sameeyay webiga shabeelle ay soo gaareen Magaalada Muqdisho,iyagoo u soo raadsaday Magaalada nolol malmeedkooda.

Mararka qaar ayaa waxaa fatahaad sameeya Webiga shabeelle , waxaana saameyn weyn uu ku yeeshaa dadka danta yar ee ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanada kale ee uu ka fataho

Like it? Share it!

Leave A Response