25 qof oo lagu dilay xarun ciidan oo ku taala Niger

by admin | Friday, Jan 10, 2020 | 636 views

Xarun milateri oo ku taala Niger ayaa weerar ay ku qaadeen koox xagjir ah waxa ku dhintay 25 qof.

Weerarka ayaa ka dhacay xarun milateri oo ku taala galbeedka Niger, kuna dhaw xuduuda Mali.

Bil ka hor ayaa 71 askari lagu dilay weerar ay ku qaadeen isla gobolka.

Kooxahan ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin ururka al-Qaeda.

Madaxweynaha Niger ayaa wacad ku maray in ay tilaabo ka qaadi doonaan kooxdaas oo uu sheegay in ay kasoo horjeeddaan nabada degaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response