3 sano kadib doorashadii Farmaajo, 6 qodob oo ay ‘ku fashilantay’ DF Somalia

by admin | Saturday, Feb 8, 2020 | 612 views

Siyaasiga mucaaradka C/raxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan waxa uu qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo maanta ay buuxsantay muddo 3-sano ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey lix qodob oo uu sheegay inay ku fashilantay dowladda federaalka, kuwaas oo kala ah:-

Dhismaha ciidamada, dhameystirka Dastuurka, qorsha amniga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka, wadahadalla Somaliland, dib u heshiisiin guud oo la hirgaliyo iyo siyaasaradda arrimaha dibadda oo uu siyaasigu tilmaamay in aysan fadhin.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiyo xisbiga Wadajir ayaa si adag ugu dhaleeceeyey dowladda inay ka gaabisay wax ka qabashada lixdaasi qodob.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxa dowladdu taasi bedalkeed ay ku mashquuleen arrimo siyaasadeed oo iyaga u gaar ah, sida dagaalka maamul goboleedyada.

Shirka jaraa’id ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku soo aadaya, iyadoo la filayo in caawa wasiirka warfaafinta Soomaaliya uu hor yimaado dadweynaha, isaga oo ka qeyb galaya barnaamij looga hadlayo waxqabadka dowladda 3-sano kadib.

Like it? Share it!

Leave A Response