40 sano ka dib Ethiopian Airlines oo duulimaadyo ka bilaabeysa Muqdisho

by admin | Wednesday, Oct 17, 2018 | 918 views

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday in ay dhawan ay bilaabi doonto Duulimaadyo toos ah  oo ah Muqdisho iyo Addis Ababa, si sare loogu qaado Isku socodka dhanka duulimaadka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Barta Twitter-ka ee Shirkadda diyaaradaha ee Ethipian Airlines  ayaa lagu sheegay 2-da bisha November ayay si rasmi ah diyaarada u bilaabi doontaa duulimaad Muqdisho ah, waxaana Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines uu shaaciyay in duulimaadkooda Muqdisho uu xoojin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maamulka Shirkadda Diyaaraddaha ayaa sheegay in todobaadkiiba saddex maalin sameyn doonta duulimaad toos ah Muqdisho iyo Addis Ababa siddda Isniin, Arbaco iyo Jimco.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa noqon doonta diyaaraddii 3aad oo caalami ah oo Muqdisho duulimaad ka bilowda, waxaa horay u jiray diyaaradda Turkish Airlines iyo Diyaaradda Air Jabuuti, sidoo kale

40 sano ka dib ayuu dib u bilowday Duulimaadkii Muqdisho , waxaana tani ay muujinaysaa xiriirka Wanaagsan ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dadaal badan ugu jirta in la kordhiyo dhaqaallaha dalkaasi, waxaana dhawaan ay sheegtay in ay maalgashi ay ku sameyn doonto Saddex dekadood oo ku yaalla Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response