42 qof oo ku dhimatay Doon ku degtay harada Victoria ee dalka Tanzania

by admin | Friday, Sep 21, 2018 | 874 views

Ugu yaraan 42 ruux ayaa ku dhintey Doon sidey boqollaal ruux oo ku degtay harada Victoria ee waqooyiga Tanzania.

400 oo ruux dad ku dhow oo rakaab ah ayay sidey doonta degtay, waxaana nolal lugu soo badbaadiyay 100 ruux oo 32 qof oo ka mid ah xaaladda ay ku suganyihiin laga dayrinayo, saraakiisha waxaa ay sheegeen doonta inay degtay markii la saaray dad ka badan tirada ay qaadi karto.
Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qaba inay inta ka badato,waxaana dib u billaabanaya saacadaha hore ee Jimcaha maanta howlgalka lugu badbaadinayo dad wali lugu la’yahay halka ay doontu ku degtay.
Doontan degtay oo lagu magacaabo MV Nyerere waxay ku degtay inta u dhaxeysa jasiiradaha Ukora iyo Bugolara.
Shilalka noocani ayaa ah kuwa inta badan ka dhaca harooyinka waaweyn ee qaaradda Afrika.Sanadki 1996-kii doon degtay ayaa waxaa ku dhinaty 800 oo qof taasoo ahayd masiibada ugu weyneyd ee dhacda.
Like it? Share it!

Leave A Response