5 nin oo hubeysan oo gudaha u galay iskuul ku yaala muqdisho iyo…

by admin | Tuesday, Feb 12, 2019 | 793 views

Dabley hubaysan ayaa xalay xoog ku galay, kadibna dhac u gaystay Iskuul ku yaallo Degmada Dharkiinley ee Gobolkan Banaadir, sida uu xaqiijiyay Maamulaha Iskuulka dhaca loo gaystay.

Iskuulka la dhacay oo lagu magacaabo Banaadir, ayaa xalay waxaa galay Shan nin oo watay laba qori oo AK47 ah & Bistoolad waxayna halkaasi ka qaateen qalab u badnaa Computaro.

Maamulaha Iskuulka dhaca loo gaystay C/llaahi Sheekh C/raxmaan, ayaa Warbaahinta wuxuu u sheegay dadkii dhaca gaystay inay xir xireen Waardiyihii Iskuulka joogay, kadibna ay aruursadeen Computarada.

Wuxuu sheegay Computarada ay qaateen Kooxda dhaca gaysatay inay ku jireen xogta Iskuulka & dhamaan Diiwaanka ardayda muddo 10 sano ah oo ay adag tahay in dib loo helo.

“Nimanka Iskuulka dhacay Shan nin ayeey ahaayeen 2 Qori & Bistoolad ayeey wateen dhamaan Computaradii yaalay Iskuulka ayeey qaateen oo macluumaadkii ardayda ku jireen, waardiyihii Iskuulka waa ay xir xireen sidaas ayeey ku qaateen.” Ayuu yiri Maamulaha Iskuulka.

Muqdisho ayaa waxaa ku sugan dabley hubaysan oo dhaca u gaysata goobaha Iskuulada ee ay ardayda joogaan & goobaha kale ee ganacsiga Magaalada gudaheeda.

Like it? Share it!

Leave A Response