Qarax ayaa ka dhacay magaalada ee casimada soomaaliya Muqdisho

by admin | Monday, Mar 26, 2018 | 1010 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ee gaar ahaan Xaafadda Oodweyne ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino.

Qaraxa ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Hal Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Qaraxaasi Miino ku dhintay halka Midkalena uu ku dhaawacmay.

Ciidamo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa durba gaaray halkaasi, waxayna qaadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxan, si ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaanka la xiriira qaraxan, waxayna xireen aagga goobta uu qaraxa ka dhacay.

Like it? Share it!

Leave A Response