Cunug Yar oo ku dhintay Roob daadad watay oo ka da’ay Baydhabo

by admin | Monday, Nov 4, 2019 | 910 views

Roobkaan daadadka watay ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ka da’ay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,waxaana ku dhintay Cunug Yar oo kamid ahaa dadka Magaalada Baydhabo.

Dhimashada Cunuga Yar ayaa timid kadib markii daadadka ka dhashay Roobka ee ka yimid dhinaca Maayafuulka Baydhabo ay dhul jeexeen in lagu qiyaasay 3 mitir,isla markaana ay Biyaha qaadeen Wiil Yar oo kamid ahaa dadka ku nool Xero Barakac oo ku taalla Xaafada Bukhriyeey,xilli uu ka yimid Dugsi uu Qur’aan ka baranayay.

Waalidiinka Wiilka Yar oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Cabdi Jikoow ayaa waxaa ay sheegeen in Wiilkooda oo jiray da’da 9 Sano iyo Walaashiis ka weyn ay daadadka ka dhashay Roobka ku rideen Goob tog ah,hayeeshee Gabadha la soo bad baadiyey balse Wiilka uu geeriyooday.

Aabaha Dhalay Wiilka 9 jirka ah ee ku geeriyooday daadad ka dhashay Roob ka da’ay Baydhabo oo lagu Magacaabo Cali Cabdi Jikoow ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan Biyaha kasoo rogmada Dooxada Maanyafuulka,isaga oo baaq u diray Bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response