A-lshabaab oo weerar hoobiyaal ku qaaday magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

by admin | Thursday, Jan 26, 2023 | 240 views

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in xalay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday xaafado ka tirsan magaalada.

Xaafadda Xaawo-taako, gaar ahaan degaanka Nuur-xawaad ayaa la sheegay in caawa madaafiicda ugu badan ay Al-Shabaab ku garaaceen, waxaana lasoo weriyey in dhaawacyo ay ka dhasheen madaafiicdaas.

Sidoo kale qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee isla magaalada Beledweyne ayey caawa hoobiyeyaashaani ku soo dhaceen, waxayna magaaladu gashay xaalad kala carar ah.

Weerarkaan kadib ciidamada ammaanka ayaa magaalada ka bilaabay howlagllo culus oo caawa ka socda Beledweyne, kuwaas oo lagu baacsanayo raggii weerarkaan fuliyey oo la aaminsan yahay iinay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Inkastoo dadka reer Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ay si adag isaga difaaceen kooxda Al-Shabaab oo dagaal qaraar ay la galeen, hadana Al-Shabaab waxay weerarro ka geystaan deegaano aad ugu dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhinaca galbeed ee magaalada ayey deegaano badan ka joogaan Al-Shabaab, waxayna geystaan weerarro iyo afduub ay ku ugaarsadaan beelaha go’aansaday inay si dhab ah isaga dhiciyaan kooxda.

Beesha Xawaadle oo ah beesha ugu balaaran beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa toos ula dagaashay kooxda Al-Shabaab, waxaana beeshaas u suurtay gashay in dhamaan dhulka ay degto ay ka xoreysato Al-Shabaab.

Go’aanka beesha Xawaadle wuxuu caro badan ku abuuray Al-Shabaab, waxayna kooxdu joogto u ugaarsataa qof kasta oo ka soo jeeda beesha, waxaana xusid mudan in dad u dhashay beesha Xawaadle ay u afduuban yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo lagu haayo deegaano dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne.

Inkastoo la sheego in 95% dhulka HirShabeelle laga saaray Al-Shabaab, hadana dhul u badan miyi oo dhinaca galbeed ka xiga wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo
Sh/Dhexe ee HirShabeelle ayey weli ku dhuumaaleystaan Al-Shabaab.

dhinaca kale Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa degmada Buulo-Burde waxaa ay kudileen laba ruux halka mid kale ay ku dhaawaceen, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

labada Ruux ee la dilay ayaa goobjoogayaal sheegeen inay kala ahaayeen Nin katirsan Ciidamada Mabadsugida Magaalada Beledweyne, balse fasax ku joogay degmada Buulo-Burde & qof Shacab ahaa oo la socday halka qof kale la dhaawacay, kaas oo Mooto Bajaaj ku waday.

Ciidamo katirsan laamaha Amniga Buulo-Burde ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka labada Ruux iyo dhaawaca qofka kale balse aysan ku guuleysan inay qabtaan ragga dilka geystay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Buulo- Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamadu ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay amniga ku xaqiijinayaan maadaama dil uu ka dhacay degmada buula barde ee gobolka hiiraa.

Like it? Share it!

Leave A Response