Aadan Maxamed Cali: Fuundigii la xag-jireeyay ee ‘dilaaga’ noqday

by admin | Thursday, Aug 15, 2019 | 619 views

Wallow aysan lahayn awood baahsan sidda Al-Shabaab, haddana Daacishta Soomaaliya, waa khatar muuqata oo ka jirta qayb kamid ah Soomaaliya, taasi oo fulisa weeraro wejiyo kala duwan leh.

Maleyshiyaadkan oo 2015-kii uu aas-aasay Cabdiqaadir Muumin, oo horey uga mid ahaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa ku dhuumaaleysata buuraleyda gobolka Bari, halkaasoo ay ku haysato tirro dagaalameyaal ah.

Xubnaha ka barbar-dagaalama kooxdan oo ay ku jiraan ajaaniib ayaa ka kala yimaada gobolada Soomaaliya, iyaga oo xeelado kala duwan lagu geeyo Boosaaso, halkaasoo ay uga sii gudbaan saldhigyadooda.

Sanadihii u dambeeyay falaagadan waxay waday dedaalo uu isugu baahinayso goboladda kale ee dalka, balse dhabar-jebin uga timid ciidamada Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa dib u riixday isku daygaasi oo gaabis noqday.

Laamaha amniga Puntland iyo federaalka ayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ku qabqabtay xubno dedaaladaasi waday, halka ay Al-Shabaab dishay dagaalameyaal damac-sanaa in ay baahiyaan ururkooda.

Aadan Maxamed Cali, waa mid kamid ah xubnaha qaybta ka ah ISIL-Soomaaliya, kuwaasi soo galay gacanta hay’addaha nabad-gelyadda, isla markaana kasoo howlgalay magaalooyin kala duwan.

Aadan oo magaciisa afgarashadda uu yahay Saciid iyo Jaabir horeyna xubin uga ahaa Al-Shabaab ayaa kasoo jeeda HirShabelle, wuxuuna ku dhashay tuuladda Baarey Galbeed, duleedka Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Jaabir oo beeraley ahaa kadibna noqday dadka ka shaqeysta iibinta qoryaha dabka lagu shido ayaa AlShabaab kaga biiray halka uu ku dhashay kahor inta aanan loo wareejin degaano kala duwan.

Wareysi uu siiyey warbaahinta ku hadasha dowladda Soomaaliya ayuu ku sheegay in nin lagu magacaabo Cabdiwali Muuse Barre uu ka dhaadhiciyey in kooxda argagixisadda ah uu kamid noqdo kahor inta aan loo geyn ruux kale, Shiikhey.

Isaga iyo tobanaan kale oo dagaalameyaal cusub ah ayaa la geeyay xarun lagu magacaabo Imaamu Shaafici, halkaasi oo tababar ay kusoo qaateen muddo laba bilood ah, sidda ay xusayaan warbixinada dhinaca ammaanka.

Shiikhey ayaa kolkii dambe u dhintay dhiig-kar. Halka ruux kale oo lagu magacaabo Muuse Biyow oo isana kamid ahaa isku daba rideyaasha xeradaasi isana lasoo wariyey in uu ku geeriyoodey Guriceel.

Kadib markii uu tababarka u soo dhamaadey, waxaa xeradda ugu yimid horjoogyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo kala ah; Fu’aad Shongole iyo Cali Dheere, afhayeenka, kuwaasi oo abaalmarinayo gudoon-siiyey.

“Qofkii waxaa la siiyey min 20-dollar,” ayuu Saciid ku yiri wareysiga, isaga oo intaasi raaciyey in isaga uu go’aan saday in uu noqdo guutada wacyi gelinta dadweynaha ee Xisbida kana howlgasha gudaha Beledwayne.

Kadib markii uu xarunta gobolka Hiiraan uu muddo ka howlgalayey, waxaa marar kala duwan loo wareejiyay Buula Burdey, Xarar dheere, Buula Fuulay iyo degaano kale, illaa iyo uu go’aan saday in uu isaga baxo kooxdaasi.

Sababta bixitaankiisa

Dhagar-qabahan ayaa guutada uu ka tirsanaa waxaa madax u ahaa nin lagu magacaabo Cabdullaahi Yarre, kaasoo kolkii dambe lagu khaarijiyey duqeyn ka dhacday gobolka Gedo, koonfurta Soomaaliya.

“Kadib muddo, waxaan codsaday in la ii gudbiyo codsi guur, waana la ii gudbiyey,” ayuu raaciyey, balse lacagtii uu ku aqal-geli lahaa oo uu musuq-maasuq Cabdullaahi ayaa ku dhalisay in uu qaato go’aanka bixitaanka.

Codsiga guurka ayaa waxaa loo gudbiyey shaqsi kale oo magaciisa lagu soo koobay Ugaas, kaasi oo ka sareeyay Cabdullaahi, isla markaana u sheegay Aadan in lacagta uu mar horey u soo diray.

“Markan intaasi ogaadey ayaa waxaan qaatay fasax bil ah. Aniga oo ku darsaday 20 maalmood oo kale ayaa waxaan aaday Boosaaso, halkaasi oo aan ka shaqeysanayay kana ahaa fuundi,” ayuu xusay.

Qaabka uu Daacish uga mid noqday

Ruux kale, Dalmar, oo ay horey isaga tirsanaayeen Al-Shabaab ayay maalin isku arkeen goob uu ka shaqeynayey. Kadib telefoon iska qorasho, waxaa habeenkii soo wacay laba kale oo lagu magacaabo Muuse iyo Dalxa.

Dalxa, oo ahaa amiirka, wuxuu u sheegay in ay doonayaan la shaqeyntiisa, isla markaana ay ku bilaabayaan howlo fudud oo ay kamid tahay u soo iibinta khudaarta, maadaama uu ganacsade dhankaasi horey u ahaa.

“Nin kale oo reer Puntland ah, oo la yiraahdo Bishaar, ayaa adeega iga qaadi jiray,” ayuu daba dhigay, isaga oo carabka ku adkeynaya.

Kadib muddo uu qaybtaasi ka shaqeynayey, waxaa uu helay wicitaan kale, isaga oo loogu yeeray goob uusan magaceeda shaacin, halkaasi oo uu ku qaatay tababar socday muddo laba bilood ah oo ku aadan ganidda bastooladaha.

Intii ay tababarka ku jireen marbaa la isku dayey in la khaarijiyo markii uu su’aal ka keenay joogitaankooda goobtaasi, sidda ay aaminsan yihiin laamaha sirdoonka.

Markii uu tababarka u soo idlaaday isaga iyo xubno kale oo ay ku jiraa; Cabdimaalik, Gar-wayne, Cismaan iyo Axmed ayaa maalintii qalin-jabinta waxaa u yimid Cabdiqaadir Muumin.

“Isaga oo madoobaadey oo rafaadsan wuxuu nagu yiri ‘hala dulqaato rag kale baa hortiina halkaan joogay’ waxaa la socday nin kale oo la yiraahdo Af-yare oo u qaabilsan sameynta qaraxyadda,” ayuu Aadan shaaciyey.

Dilalka uu Aadan qayb ka ahaa

Kooxaha argagixisadda ayaa ka mideysan in marka daleydooda ay fulinayaan falalka khaarijinta ah in midka dilaaga ah ay wehliyaan rag kale, kuwaasi oo ka difaacaya hadii uu la kulmo iska cabin balaaran.

Khaarijintii ugu horeysay ee uu Saciid qayb ka ahaa ayna ka geysteen Boosaaso ayaa waxay ku beegsadeen Axmed Jaamac Barre, laba xidigle ka mid ahaa saraakiisha ciidamadda dowladda Puntland.

Falkii labaad waxay ku dileen Ganacsade Cabdiraxmaan Aadan Barre ayaa laga soo wariyey xaafadda Natko gaar ahaan agagaarka huteel lagu magacaabo Naqiil oo ay degaaan dadka ka yimaada Koonfurta.

Isaga oo sharaxaya qaabka dagaalameyaasha Daacish ku yimaadan degaanadda Puntland gaar ahaan Boosaaso ayaa wuxuu yiri: “Qof baa damiinaya oo oranaya ‘waa shaqaale aan dalbaday ama Adeer baan u ahay”.

Dilalka Muqdisho

Boosteejadda Ceelasha Biyaha ee Suuqa Bakaaraha ayuu qayb kaga ahaa dilkii ugu horeeyay ee ay caasimadda Soomaaliya ka fuliyaan shabakadiisa oo ay kamid yihiin; rag lagu magacaabo Ibraahim iyo Axmed.

Like it? Share it!

Leave A Response