Abiy Ahmed u direy ergo dalalka Soomaaliya iyo Kenya

by admin | Thursday, Jul 11, 2019 | 752 views

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa u direy ergo dalalka Soomaaliya iyo Kenya isagoo raadinaya in la xaliyo khilaafka ka dhex jira labada dal ee dhinaca badda ah inta uusan xaalku sii xumaan.

 

Mas’uuliyiin joogta Nairobi iyo Muqdisho ayaa sheegay in Abiy Ahmed uu qorsheeyay in Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmaan Addis Ababa bishan July 13keeda.

Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dowladood oo ku saabsan kulankan. wararkan ayaa soo baxay xilli shalay la daabacay warbaahinada qaarkood in dowlada Soomaaliya ay ka laabanayso muranka badda ee kala dhexeeya dowlada Kenya kaasoo horyaal Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ, lana qorsheynayo in la dhagaysto 9ka bisha September ee sanadkan.

Hase yeeshee  Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga beeniyay in ay dowlada Soomaaliya ay wax la bedeshay mowqifkeedii ay ka taagneyd dacwada Maxkamada ICJ. Saraakiil ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa hase yeeshee waxa ay sheegeen in Abiy Ahmed uu ka shaqeynayo dhexdhexaadinta labada dal iyadoo cadaadis xoog leh ay saarayaan wadamada Koofur Afrika iyo Maraykanka.

Like it? Share it!

Leave A Response