Abiy Axmed & Madaxweynaha Eritrea oo booqday dalka Koonfurta Suudaan

by admin | Sunday, Mar 7, 2021 | 455 views

Labada Mas’uul waxay shalay booqasho hal maalin ah si wadajir ah ugu tageen caasimada dalkaasi ee Jubba.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxay ujeedada socdaalkooda, iyadoo Warar sheegayna inay Madaxweyne Silva Kiir kala hadleen dadaalkiisa ku Aadan dhexdhexaadinta Khilaafka Xuduudka ee u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan.

Safarka Issias Afewerki iyo Abiy Ahmed ee dalka Koonfurta Suudaan waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-sisi shalay booqday caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, isagoo la kulmay Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/fataax Al-burhaani iyo RW Cabdalla Xamduuk.
Madaxweynaha Masar waxa uu sheegay inuu Ammaanka Suudaan qeyb ka yahay Ammaanka Masar.

Like it? Share it!

Leave A Response