Abiy Axmed oo loogu baaqay in uu xaliyo Colaadda Oromada iyo Soomaalida

by admin | Saturday, Jul 21, 2018 | 1072 views

Golaha Degaanka ee Magaalda Minneapolis ayaa Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ugu baaqay in uu xaliyo dagaallada ka dhex taagan Soomaalida iyo Oromadda.

Abiy Axmed ayaa lagu waddaa in uu taggo dalka Mareykanka  30ka bishan July gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Golaha Degaanka ee Magaalda Minneapolis ayaa sidoo kale ugu baaqay Abiy Axmed in uu taggo goobta uu dagaalku ka socdo ka hor inta uusan imaan Mareykanka.

War kasoo baxay Golaha degaanka waxaa saxiixnaa Duqa magaalada Jacob Frey, ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda Ethiopia ee uu hogaamiyo Dr. Abiy Axmed inay joojiso colaadda u dhaxaysaa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee wadanka Ethiopia.

Siddoo kalena ay ilaaliso amniga, hantida iyo xuquuqda aadanaha ee bulshooyinka labada qowmiyadood oo dhawaanahaan ay dagaallo ku dhexmarayeen degaanno ka tirsan wadanka Ethiopia.

Gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka waxaa uu ka mid yahay meelaha ay ku noolyihiin Qurbbajoogta u badan ee labada qowmiyadood.

Like it? Share it!

Leave A Response