Afar qodob oo muujiyey QOOR QOOR-ka dhabta ah{AKHRISO}

by admin | Monday, Jan 11, 2021 | 427 views

– Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo loo arkayey inuu dhex dhexaad ka noqon karo amaba ka yahay muranka doorashada Soomaaliya ayaa shalay ku dhaqaaqay 4 qodob oo muujiyay in uusan dhex dhexaad aheyn.

Waxyaabaha dhex dhexaadnimadiisa meesha ka saaray ama ahaa qaladaad waxaa kamid ah.
1 – In uusan dib ugu laaban oo uu mar kale la kulmin dhinacyadii uu warka ka soo qaaday ee tabashada qabay, sida Puntland, Jubaland iyo Mucaaradka, islamarkaana uusan la wadaagin wixii uu lasoo kulmay guul iyo guul darraba. Qoor Qoor wax warbixin ah kuma soo celin Mucaaradka kadib markii uu ka soo qaaday saddex qodob oo ay dalbadeen oo ku saabsan doorashada, waxaana qodobadaas ka diiday dhinaca dowlada, oo markii dambe ku qasabtay inuu ka been sheego, una jeediyo eedda dhanka mucaaradka.

2 – Haddii ay sax tahay inuu ka war-sugayey mucaaradka, Axmed Madoobe iyo Deni oo aysan kusoo laaban, sida uu sheegay, waxay aheyd inuu marka hore taas bulshada la wadaago, si ay u arkaan cidda qaldan kahor inta uusan qaadan go’aan uu kula safanayo dowladda, inkasta oo markii horeba uu la safnaa, balse hadda uu si toos ah u cadeystay.
3 – Haddii uu ku guul darreystay dedaalkiisa xal raadinta, haddiiba uu raadinayey, waxay aheyd inuu dib ugu laabto Galmudug, halkaasna ka sheego wixii uu la kulmay, halkii uu hadlay isagoo barbar taagan garab ka mid ah dhinacyadii uu dhex dhexaadka ka ahaa.

4 – In uusan marnaba soo bandhigin qodobada loo soo dhiibay ee dhanka mucaaradka ah iyo kuwa tanaasulka ka sameeyeen madaxda qaranka, haddiiba sida uu wax u sheegay ay u jiiraan, si ay shacabka ugu qancaan, una ogadaan cidda xalka diidan.
Dadka ku xeel dheer arrimaha dib u heshiisiinta ayaa qaba in qodobadaas ay meesha ka saareen rajadii laga qabay Madaxweyne Qoor Qoor, islamarkaana ay cadaatay inuu dhinac raacsan yahay xili markii hore shakigaas laga qabay.

Like it? Share it!

Leave A Response