Afar ruux oo lagu dilay deegaan u dhow Magalada Dhuusamareeb

by admin | Wednesday, Jun 12, 2019 | 728 views

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Saqdii dhexe 4 Ruux lagu dilay deegaan Duleedka ka ah Magalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in Deegaanka Dhiin-waris oo Dhanka Koonfur ka Xiga Magaalada Dhusamareeb lagu dilay Afarta Qof oo ka mid ahaa Shaqaalaha Goob Shinada Malabka looga dhaliyo.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Afarta qof ee la dilay ay kasoo jeedaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed,isla markaana loo dilay falal la xiriira aanooyin qabiil wallow aysan jirin cid sirasmi ah warkaasi u xaqiijisay.

Meydka Afarta Ruux ayaa la sheegay in loo soo qaaday dhinaca Caasimadda dhuusamareeb, iyada oo Maamulka Galmudug uu wado baritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay dilkaas iyo sababta ka dambeysa dilkooda.

Majirto cid sirasmi ah u sheegatay mas’uuliyada dilka Afarta Ruux ee Shacabka ahaa loogu geystay duleedka Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud,waxaana dhacdadaan Maanta siweyn looga hadal hayaa Magalada Dhuusamareeb.

Like it? Share it!

Leave A Response