Afar Sarkaal oo Telefanadooda laga helay Sheeko dhex martay iyaga & Ismiidaamiyayaashii Otto Otto

by admin | Tuesday, Jul 10, 2018 | 1028 views

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xarig magaalada Muqdisho loogu geestay 14 Sarkaal oo loo heysto weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto oo Saldhig u ah Wasaarada Arrimaha Gudaha xukuumada Somalia.

Saraakiishan oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid ayaa xarigooda wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay gelinkii dambe ay kulan deg deg ah Guddiga amniga ku yeeshen Muqdisho, kaasi oo uu shir Guddoominayay Wasiirka amniga.

Baaritaanka Saraakiisha ayaa ka socta xarunta baarista Villa Somalia iyo xarunta CIDda Degmada Hodan, waxaana ka qeybqaadanaaya Saraakiil ka socta Wasaarada amniga.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in ku dhawaad afar Sarkaal ay ku cadaatay inay ku lug lahaayen weerarka Xarunta Otto Otto oo galitaankeeda ay u sahleen AlShabaab.

Baaritaanka Saraakiisha ayaa la xaqiijiyay inay fududaatay kadib markii codad dhageysi ah laga helay teleefoonada gacanka oo ay wataan kuwaa oo lagala xiriiraayay Ragga fuliyay ismiidaaminta iyo maleeshiyaadka gudaha u galay xarunta.

Sidoo kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya in ciidamada dowlada ee ku sugan barahakoontarool ee lasoo mariyay gaadiidka qarxay ay qireen in Taliyayaashooda ay amar kusiiyeen inay fasaxaan gaadiidka, iyadoo wixii intaa kadanbeysay uu dhacay Qaraxa iyo weerarka fool­ka­foolka ah.

Geesta kale, waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lasii deyn doono Saraakiisha qaar, halka gacanta baarayaasha ay kusii jiri doonaan Saraakiisha maamusha barahakoontarool ee lasoo mariyay gaadiidka.

Like it? Share it!

Leave A Response