AFRICOM oo digniin degdeg ah ka bixisay qorshaha Trump ee ku aadan la bixitaanka ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya

by admin | Thursday, Oct 15, 2020 | 421 views

Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa si deg deg ah uga digay halista ka bixitaanka Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Trump uu raadinayo dhimista ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Col. Chris Karns ayaa u sheegay Washington Examiner in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay horumar sameynayaan, laakiin dhinaca kale halista ay Al-Shabaab ay soo bandhigeyso ay u baahan tahay kaalmo caalami ah.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la imaanayso qatar mustaqbalka ku wajahan Mareykanka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Pentagon-ka ay bilaabeen diyaarinta qorshooyinka madaxweynaha ee ka bixitaanka Soomaaliya, iyadoo la eegayo waqtiga suuragalka ah.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga 650 ilaa 800 oo askari. Dhammaantood ama inta badan askartaas waxaa diray maamulka Trump.

Kuma cadda warbixinta haddii Trump uu raadinayo ka bixitaan dhameystiran ama kaliya in la yareeyo ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa si baaxad leh u kordhisay dagaalka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ka socda Soomaaliya sanadkii 2017, kadib markii Madaxweyne Trump uu dabciyey xeerarka howlgalka.

Like it? Share it!

Leave A Response