Agaasimihii Hab Maamuuska Madaxweynaha oo u baxsaday dalka Turkiga

by admin | Wednesday, Jun 12, 2019 | 882 views

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Agaasimihii Hab maamuuska Madaxweynaha Saciid Maxamed Warsame (Saciid Kampala) uu u baxsaday dalka Turkiga, kaddib markii Maxkamad looga yeeray.

Saciid Kampala ayaa ku lug yeeshay Kiis ku saabsan dacwad guri oo dhowaan ka dhacday degmada Xamar Weyne, taasoo ka dambeysay markii go’aan Maxkamadeed loogu xukmiyay dad gurigooda lagu qabsaday.

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada uu la socday dadka dacwada ku guuldareystay oo ay heyb wadaag ahaayeen, kuwaasoo ku qanci waayay go’aanka Maxkamadda, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay uu Saciid Kampala adeegsaday awoodda Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, kadibna weeraray guriga Maxkamadda ay u xukuntay dadkii lahaa.

Ciidamo Boolis ah oo farageliyay arrintaas, kana jawaabayay go’aankii Maxkamadda ayaa la sheegay in Ciidamadii uu watay Saciid Kampala ay isku dhaceen, kaddibna goobta hubka looga dhigay Ciidankii Booliska ahaa, loona gudbiyay Xabsiga Madaxtooyada.

Intaas kaddib Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo ka carrooday tallaabada ay qaadeen Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamadda Ciidamada, iyadoo Xeer Ilaalinta ay warqad u qortay Agaasimaha Madaxtooyada, kuna wargelisay in dacwad ka taalo Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada, lana doonayo inuu Maxkamadda ku hor-yimaado 11-ka bishan oo maanta ku beegan.

Saciid Kampala ayaa la sheegay inuu u baxsaday dalka Turkiga, isagoo maalin ka hor ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in markii laga war helay inuu baxsaday la amray in gaadiidkii uu isticmaalayay la soo celiyo, sidoo kale waxaa la baabi’iyay aqoonsiggi ka mid ahaanshaha Madaxtooyada.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response