Ahlu Sunna” Ma aqbaleyno in ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dowladda federaalka la keeno Dhuusa-Mareeb {Akhriso}

by admin | Saturday, Aug 24, 2019 | 572 views

Qoraal dhinacyo badan taabanaya oo ka soo baxay hoggaanka ugu sarreeya Ahlu Sunna Waljameeca ayaa looga soo horjeestay  in ciidamo ka socda AMISOM iyo dowladda federaalka la geeyo Dhuusa-mareeb.

Qoraalka ayaa sidoo kale shaki lagu galiyay qabsoomida shirka dib-u-heshiisiinta Dhuusa-Mareeb, iyadoo lagu eedeeyay dowladda in ay qabsoomida shirka gacanta u galisay dad aan xog ogaal aheyn.

Sidoo kale Ahlusuna ayaa sheegtay inay dowladda Federaalka ay ka caga jiideyso fulinta dhammaan heshiisyadii iyo ballamihii ay la gashay Ahlusuna.

Shirkii Dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ayaan wali ka furmin degmada Dhuus-Mareeb, waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu jiro khilaaf soo kala dhax-galay guddigii loo saaray qaban-qaabada shirka.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna Waljameeca.

Like it? Share it!

Leave A Response