Akhriso:-Warbixin Hal Sano oo ka soo wareegatay dilkii Wasiirkii ugu da’da yaraa ee Xukuumadda Kheeyre

by admin | Saturday, May 5, 2018 | 1237 views

Hal sano ayaa ka soo wareegatay dilkii Allaha u naxariistee Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Cabaas Siraaji, kaasoo lagu dilay agagaarka Madaxtooyada 3-dii bishii May, xilli habeen ah.

Shilka uu ku dhintay Cabaas Siraaji wuxuu naxdin iyo uur-kutaalo ku reebay dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada oo u arkayay Cabaas ubax ka dhex ifayay Golihii Wasiiradda Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre, maadaama uu ahaa ninkii ugu da’da yaraa, sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Wasiirkii ugu da’da yaraa ee soo mara dalka.

Dhalinyarada ayaa u soo hadal qabsanayay inuu ahaa rajada dhalinyarada, marka loo eego taariikhdiisa ka soo bilaabatay xeryaha qaxootiga dalka Kenya, waxbarashadiisa, ka mid noqoshadiisa Xildhibaanada Baarlamaanka illaa heer uu Wasiir ka gaaro.

Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji ayaa waxaa ku dhintay rasaas uu riday mid ka mid ah Ilaalada Hanti dhowrkii hore ee Qaranka Nuur Faarax, kaddib markii gaari uu watay uu ku dhowaaday, meel ku dhow albaabka laga galo Madaxtooyada.

Askarigii ka dambeeyay dilkiisa oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa lagu magacaabaa Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid), kaasoo Maxkamadda darajada koowaad iyo Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ay dil ku xukumeen.

Sanad kaddib lama fulin xukunka dilkaas, dhowr arrimood oo ku wareegsan darteed iyo xaalado kale, iyadoo dad badan siyaabo kala duwan uga hadleen qaabkii u dhacay falkii dilka Wasiir Siraaji oo arrin shil ka dhigeen iyo dad kale oo qaab ula kac ka dhigay.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan dilka Wasiirkii ugu da’da yaraa Xukuumadda Kheyre ay ka mid aheyd caqabadihii ugu horeeyay ee ay la kowsatay dowladdii cusbeyd ee Madaxweyne Farmaajo hoggaaminayay, wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa is xigtay caqabado iyo qalalaaso dhowr ah oo badankood ay mushkilado iyo xaalado siyaasadeed ay dalka geliyeen mudada sanadka iyo bilooyinka ee ay jirto dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response