Al-Jazeera oo shaacisay fadeexad culus oo kusoo baxday qoyska Siilaanyo

by admin | Wednesday, Mar 20, 2019 | 940 views

Telefishanka Aljazeera ayaa soo diyaariyey warbixin muddo badan laga soo shaqeenayey oo ku saabsan dagaalka Dekadaha ee ka socdo Geeska Africa,

Warbixintaan oo ka baxday Telefishanka Aljazeera ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan dagaalka dhanka Dekadaha Geeska Africa ee u dhaxeeyo dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo Dowlado kale oo waaweyn.

Al-Jazeera ayaa Barnaamijkaan ugu magac dartay ”Almasaafa Sifir”, wuxuuna barnaamijkaan si gaar ah uga hadlay Loolanka DP Word iyo Dowladda Jabuuti kaasoo keenay in ugu dambeyn DP Word laga eryo dalkaas.

Sidoo kale barnaamijkaan ayaa ka hadlay sida ay Imaaraadka Carabta ugu suurta gashay inay heshiis kula wareegto Dekadda Berbera oo lagu bixiyey lacago Malaayiin Dollar ah.

Warbixinta Al-Jazeera ayaa qoyska Silaanyo ku eedeysay inay Musuq maasuqeyn lacagihii laga qaaday Imaaraadka ee heshiiskii Debadda Berbera.

Waxaa warbixinta lagu sheegay inay musuq maasuqaas qeyb ka ahaayeen Silaanyo, Xaaskiisa iyo Ninka uu sodogga u yahay.

Xaaska Siilaanyo ayaa lagu magacaabaa Aamina Waris halka ninka uu Silaanyo Soddogga u yahay isna lagu magacaabo Baashe Moorgan .

Waxaa lagu xusay warbixinta inuu Heshiiska Dekadda Berbera  ahaa mid qarsoodi ah isla markaasna laga qariyey Baarlamaanka Maamulkaas.

Baarlamaanka Somaliland ayaa loo qeybiyey qoraal Af-Soomaali ku turjuman iyadoo lagu heshiiyey inaan cidna la tusin heshiiska asalka ah, waxayna arrintaas keentay inay gacanta iskula tagaan guddoomiyihii golaha wakiilada ee xilligaasi iyo ku xigeenkiisii xilligii xukuumadii Siilaanyo.

Al-Jazeera ayaa sheegtay in Baaritaanka Musuq maasuqa lagu hayo Qoyska Siilaanyo loo gudbiyey guddiga dabagalka Soomaaliya iyo Eretariya ee Qaramada Midoobay.

Heshiiska Dekadda Berbera ayaa muran badan ka dhex dhaliyey Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna keenay in  Soomaaliya laga mamnuuco Shirkadd DP World kadib kulan xasaasi ahaa oo ay yeesheen Baarlamaanka Golaha Shacabka  inkastoo aysan arrintaas hergelin maadaama shirkadaas ay weli dhaq dhaqaaq ka wado Gudaha Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response