Al-shabaab oo afduub ka geystay deegaan hoostaga gobolka Shabeellaha Dhexe

by admin | Friday, Dec 28, 2018 | 1095 views

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab shalay gubeen guryo ku yaalla tuulada Ceel Muluq oo u dhow degmada Cadalle, isla markaana ay kaxaysteen dad degaanka deggan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ayaa dadka degaanka ku eedeeyey inay gacan siiyaan maleeshiyada la magac baxday Macawislayda ee iskood isku abaabulay si ay Al-Shabaab ula dagaalamaan.

Tallaabadaa ay qaadeen Al-shabaab kaddib waxaa deegaanka ka dhacay dagaal culus oo dhaxmaray maleeshiyaadka deegaanka iyo xoogagga Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Axmed Xuurshoow oo ka mid ah dhalinyarradda Macawisleyda ee isku abaabulay in ay la dagaalamaan Al-shabaab.

‘’Marka ay falkaa sameeyeen kaddib ayaa ku soo baxnay halkaa dagaal culus ayaa nagu dhaxmaray, waxaan ka dilay 8 ruux oo ka tirsanaa xoogaggooda’’ ayuu yiri Xuurshoow.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ka hadlaya dagaalka dhaxmaray iyaga iyo dadka deegaanka iyo eedeymaha loo jeediyay ee ah in ay gubeen guryo ay degenaayeen dad rayid ah.

Like it? Share it!

Leave A Response