Al-Shabaab oo burburiyay Xarun Isgaarsiin oo ku taalla Magaalada Gaarisa

by admin | Thursday, Jul 9, 2020 | 441 views

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay burburiyeen Xarun Shirkad Isgaarsiineyd oo laga leeyahay dalka kenya,taas oo ku taalla aagga degaanka Korakora Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ku dhawaad 20 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Xaruntaas,isla markaana dagaal kooban uu dhex-maray Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo ilaalo ka hayay Xarunta la burburiyay.

Majirin wax khasaaro nafeed oo ah oo ka dhashay dagaalkaas dhex-maray Ciidamada Booliska Kenya & Al-Shabaab,waxaana Dhacdadan ay timid kadib markii laamaha ammaanka ay ka digeen inay suurta gal tahay in la weeraro xarumo muhiim ah oo ku yaal xudduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska gobolka waqooyi Bari Kenya Rono Bunei ayaa sheegay inay xoojiyeen howlgalada ka socda aagga uu weerarka ka dhacay si wax looga qabto khatarta amni darro ee ka jirta degaankaas.

Toddobaadkii hore, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero booliis oo ku taal degaanka Fafi, ee Gobolka Gaarisa,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Like it? Share it!

Leave A Response