Al-Shabaab ‘oo gantaal ku dhuftay diyaarad sahay u sidday ciidamaada Uganda’

by admin | Thursday, Feb 28, 2019 | 1467 views

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen xero ciidamada dalka Uganda ee Amisom ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab, Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ay gantaal kula dhufteen diyaarad sahay u keentay ciidamada Uganda.

Abu Muscab ayaa sheegay markii weerarka uu billowday ay diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ay isku dayday inay kacdo hase yeeshee markii gantaal uu ku dhacay ay dib u degtay.

Waxa uu intaas ku daray in qiiq badan uu ka baxay diyaaradda, islamarkaana ay u maleynayaan inay gubatay ama ay gaartay waxyeello xooggan oo ay ku awoodi weysay inay dib ugu kacdo.

Illaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Uganda.

Abu Muscab ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee ku sugan meelo badan oo Koonfurta Soomaaliya ka mid ah ay kasoo xireen jidad badan, iminkana waxa ay isku halleeyaan ay tahay diyaarado, sidaas darteedna ay u billaabeen inay diyaaradaha beegsadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response