Al-Shabaab oo ka hadlay Qaraxa iyo Weerarka ka socda Kismaayo

by admin | Friday, Jul 12, 2019 | 848 views

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hoteelka Cascaseey oo ku yaalla Gudaha Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ciidamo ka tirsan ay gacanta ku hayaan Hoteelka,islamarkaana ay halkaasi ka waddaan toogashadda Mas’uuliyiinta Jubbaland iyo kuwa dowladda ee Hoteelka ku sugnaa,

Wararkii ugu dambeeyay Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Wali dagaal uu ka socdo Gudaha Hoteelka, islamarkaana Ciidanka Jubbaland ay waddaan howlgal weyn.

Like it? Share it!

Leave A Response