Al-Shabaab oo kordhiyay afduubka caruurta ka yar 15 ee ku nool laba gobol

by admin | Tuesday, May 7, 2019 | 977 views

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan ee degaano kamid ah Gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa kordhiyay Afduubka loo gaysanayo dhalinyarada ka yar 15 sano jirka si ay uga mid noqdaa dagaalamayaasha Alshabaab,

Al-shabaab ayaa degaanada Ceeldheer, Ceelbuur Galcad, Galhariiri, iyo Masagawaay ka afduubtay dhalinyaro badan oo dhamaantood ka yar 15 sano jir sida uu noo sheegay Xildhibaan Maxamed Cabdulle Guure oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Xildhibaan Guure ayaa sheegay in ay soo furteen dhalinyaro badan kadib markii ay xariir la sameeyeen Xubno Al-shabaab halka qaar kalane ay Wali gacanta Alshabaab ku jiraan.

Degmooyinka iyo degaanada ku yaala Gobalada Galgaduud iyo Mudug ee Ceeldheer, Xarardheere iyo Goobo kale Alshabaab waxay ku sugan yihiin muddo ka badan 10 sano waxaana lagu tilmaamaa in ay degmooyinkaas ay ka tirsan yihiin goobaha ay Alshabaab ku xidideesteen.

Dadka ku nool degaanadaas uma ogola Carruurtooda Alshabaab, lamana soo baxsan karaan, sidoo kale ma awoodaan in ay Alshabaab carruurtooda ka difaacdaan maadaama aysan heli karin garab iyo taageero dowladeed waxayna dhaxda ugu jiraan Nolal Mugdi ah.

Dadka ku nool Degaanadaas waxay dowladda dhexe ku leeyihiin Xildhibaano iyo  Wasiiro, sidoo kale waxay qabaan ganacsato maal qabeena ah balse dhamaantood war kama haayaan degaanada ay ka soo jeedaan.

Like it? Share it!

Leave A Response