Al-shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Daacishta Soomaaliya

by admin | Friday, Dec 21, 2018 | 769 views

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu iclaamiyay dagaal cusub oo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish ee ku sugan Buuraha Galgala ee gobolka Bari iyo sidoo kale qeybo kale oo kamid ah Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ku baaqday dagaal ka dhan ah kooxda kale ee jihaadiga ahi ee daacish ee ka hawlgasha qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, ka dib markii ay sheegeen in ay kasoo horjeeddaan Jihaadka ay waddaan.

War kasoo baxay  hogaanka sare ee Al-Shabaab ayaa looga hadlay waxa shaababku ay ku tilmaameen dhibaatooyinka iyo gabood fallada kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Bayaankan oo uu akhriyey afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) isla markaana lagu baahiyay shabakadaha u janjeera dhanka Shabaabku ayaa lagu sheegay “in kooxda Daacish, gaar ahaanna garabka ka hawlgala Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab.”

Shekh Cali Dheere ayaa daacish ku eedeeyay “iney banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiisayna dad muslimiin ah, gaar ahaanna kooxdiisa iyo kala jebinta muslimiinta.”

Ugu dambeyntii  afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish.

“Hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab wuxuu ku amrayaa dhammaan ciidamada ururka iyo wilaayaatka Islaamiga inay si adag kaga hortagaan waxa uu ku tilmaamay cudurka dilaaga ah oo uu ula jeedo Daacish”

Like it? Share it!

Leave A Response