Al-Shabaab Oo Saakay La Wareegay Degaan Ay Isaga Baxeen Ciidanka AMISOM

by admin | Tuesday, Jan 19, 2021 | 348 views

Wararka aan ka heleyno deegaanka Mashallaay ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in aroornimadii hore ee saakay deegaankaas ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka Midowga afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa ku sugnaa deegaanka Mashallaay oo ku yaalla inta u dhexeeysa Buulo-mareer iyo degmada Qoeyooley ee Shabeellaha Hoose.

Dad ayaa soo weriyay in Ciidanka AMSIOM ay isaga baxeen deegaanka, kadibna la wareegeen Al-shabaab, iyadoo aan wax dagaal ah halkaas ka dhicin, isla markaana weli ay ku sugan yihiin Shabaabka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka AMISOM Saldhig ay ku lahaayeen Mashallaay ay ka qaateen saanad Milateri oo u taallay, iyagoona aaday dhinaca degmada Qoryooley ee Shabeellaha Hoose.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Ciidamada Uganda ay isaga baxaan deegaanka Mashallaay, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ku aadan la wareegida Al-shabaab ee deegaankaas.

Like it? Share it!

Leave A Response