Al-Shabaab oo sheegay inay hub ka furteen ciidamada Kenya kadib weerar culus

by admin | Wednesday, May 8, 2019 | 962 views

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerar Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaan u dhow Magalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya weerarkaas oo geystay khasaaro kala duwan,

Wararka ka imaanaya gobolka Wajeer ayaa sheegaya in ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah u dhigeen kolonyo katirsan ciidanka Melleteriga Kenya xilli ay ku socdaalayeen nawaaxiga tuulada Gumaaray oo katirsan gobolka Wajeer.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac leh uu ciidamada melleteriga Kenya ee KDF loo yaqaan  uu kasoo gaaray weerarka, ugu yaraan Meydka hal askari ayay ciidamada Kenya uga carareen goobta dagaalka, khasaaraha dhaawac ee ciidamada gaaray ayaa loo qaaday isbitaallo kuyaal magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas lagu qaaday  Gaadiid ay la socdeen Ciidamada Kenya,iyaga oo sheegay inay ku dileen hal askari sidoo kalena ay ku qabsadeen Afar Qori oo isugu jira 2 qori AK47 ah, hal qori M16 iyo qori RPG ah.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku saaban weerarkan khasaaraha dhaliyay ee ciidamadeeda lagula beegsaday gobolka Wajeer.

Like it? Share it!

Leave A Response