Al Shabaab oo sheegtay dil ka dhacay magaalada baladweyne.

by admin | Wednesday, Sep 19, 2018 | 931 views

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xalay fiidkii waxaa lagu dilay askari ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda federaalka, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Al Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen inay dileen sarkaal ka tirsanaa Millatariga Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Muumin Xasan Raage (Afweyne).

Waxay kaloo Al Shabaab sheegteen inay dhaawaceen askari ilaalo u ah sarkaalka la dilay, hawlgalkana uu u dhacay sidii loogu tala galay oo qorshaha uu ahaa.

Sarkaal ka tirsan Al Shabaab ayaa Idaacadda Andulus u sheegay in laga qaatay qorigii uu watay ninka la dilay, islamarkaana raggii weerarka fuliyey ay si nabadgalyo ah kaga soo dhaqaaqeen goobta kadib markii uu howlgalku dhacay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ay wadaan hawlgal baaritaano ah, kadib markii maalmahan ay ku bateen magaaladaasi dilalka.

Like it? Share it!

Leave A Response