Al-Shabaab oo toogtay sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda

by admin | Wednesday, Dec 19, 2018 | 843 views

Al-Shabaab ayaa shalay galinkii dambe  fagaare ku yaalla degaanka Galboole ee dhaca Galbeedka Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ku toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda oo ay horay ugu xukumeen xukun dil ah.

Maxkamadda Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe  ayaa sheegtay in sarkaalkan wada shaqeyn ay kala dhaxeysay Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgalla gudaha Soomaaliya.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa ku sheegtay Magaca Maxamed Cali Maxamed oo ku magac dheeraa Kartoon.

Shabaab ma aysan soo bandhigin sawirro ama cadeymo muujinaya sarkaalkan ay sheegeen inay toogteen, marka laga reebo in warkan ay soo qorteen.

Like it? Share it!

Leave A Response