Al-Shabaab oo war kasoo saaray qaraxii Gaalkacyo ee lagu dilay guddoomiye Axmed

by admin | Sunday, May 17, 2020 | 442 views

Xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay magaalada Galkacyo ee lagu dilay gudoomiyahii gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur iyo qaar ka mid ilaaladiisa.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gaalkacyo, gudoomiyaha ayaa kasoo baxay xafiiskiisa waxyar ka hor inta uusan qaraxa haleelin, waxaana lasoo sheegayaa in qasaare aan wali la tirakoobin uu ka dhashay.

Sida lagu qoray warbaahinta Afka Al-Shabaab ku hadasha, waxey sheegteen qaraxii maanta dhacay, waxaana war qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamadooda lagu sheegay in qarax ay maanta ka geysteen Gaalkacyo ay ku dhinteen saraakiil ciidan oo Puntland ah iyo gudoomiyahii gobolka Mudug.

Waxaa la xasuustaa in qarax ka dhacay magaalada Garowe 29-kii bishii Maarso lagu dilay gudoomiyahii gobolka Nugaal ugu magacownaa maamulka Puntland, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli ciidamada amaanka Puntland ay hawlgalo amni ka sameynayeen deegaanadooda.

Like it? Share it!

Leave A Response