Al-Shabaab oo weerar culus saakay ku qaaday deegaanka Baar-Sanguuni

by admin | Saturday, Jan 19, 2019 | 797 views

Saakay aroortii hoe ayaa rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaareen saldhig Ciidamada Dowladda Soomalaiya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa  waxaa uu ku billowday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray, waxaana xigay dagaal toos ah oo Dagaalameyaal Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen Ciidankii fadhiyay Saldhigga baar sanguuni.

Dagaalkaas khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay,waxaana saraakiil ka tirsan Jubbaland ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii ay sakay waaberigii kusoo qaadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Majirto cid weli sirasmi ah u cadeysay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ka dhacay Baar-Sanguuni,hayeeshee waxa uu ku soo aadayaa xilli Madaxweynaha Jubbaland uu maalmahaan abaabul dagaal ka waday degmooyinka Afmadow iyo dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen inay gebi ahaanba la wareegeen deegaanka Baar-Sanguuni,hayeeshee majirto cid madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada Aal-Shabaab.

Deegaanka  baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa dhowr mar ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen,waxaana 23-kii Bishii Jully Sanadkii tegay ee 2018 weerar ay Al-Shabaab saldhigaas ku qaadeen ay ku sheegeen inay ku dileen 23 Askari

Like it? Share it!

Leave A Response