Al-Shabaab oo ‘weerar ku dishay 14 askari ‘oo ka mid ah ciidamada Amisom”

by admin | Sunday, Sep 15, 2019 | 577 views

Waxaa faah-faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerar jid gal ah oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo safar ku marayay deegaan hoos taga degmada Balcad.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray weerarkaas ayaa waxay sheegeen in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi ay duleedka degamada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe kaga dileen ilaa 14 askari oo 12 kamid ah ay goobtii lagu dagaalay maydkooda kaga carareen.

Afar askari oo labo mayd tahay labana dhaawac ayaa lagu sheegay warka Al-shabaab in ciidamada AMISOM ay geeyeen saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa warka ay kasoo saareen waxa ay ku sheegeen weerarkaas in ilaa 8 askari oo dhaawac ah ay AMISOM diyaarad uga qaaday duleedka degmada Balcad, kuwaas oo lageeyay magaalada Muqdisho.

Al-Shabaa ayaa sheegtay in hub badan ay dagaalka kaga furteen ciidamada AMISOM qeybtooda Burundi, oo intooda badan ka howlgala gobolka Shabeellada Dhexe.

Markii laga soo tago sheegashada Al-Shabaab majiro wax war ah oo kasoo baxay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM oo ku aadan weerarkaas iyo inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay.

Like it? Share it!

Leave A Response