Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ay ku sugan yihiin ciidanka Kenya

by admin | Friday, Jul 3, 2020 | 431 views

Weerar loo adeegsaday Hoobiyaal ayaa lagu qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Cabdalla Biroole Duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hobiyeyaasha lagu soo uuray Saldhiga Ciidamada Kenya, sidoo kalena dhankooda ay ku jawaabeen madaafiic dhowr ah oo ay ku tuureen duleedka degaanka Cabdalla Biroole.

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah, in kastoo aan sirasmi ah weli loo cadeyn ayaa hadana Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in 7 Askari ay ku dhinteen weerarkaas.

Saraakiisha Ciidamada Kenya weli kama aysan hadlin weerarka lagu soo qaaday saldhigooda iyo jawaabta madaafiicda ah ay ka bixiyeen.

Weli lama soo sheegin khasaaro dadka Shacabka kasoo gaaray madaafiicda ay is dhaafsadeen AL-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada degaanka Cabdalla Biroole ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Ururka AL-Shabaab ayaa dhawr jeer soo weeraray deegaanka Cabdalla Biroole oo markii hore laga saaray kadib markii ay isku dhaceen Beesha halkaas dagto, waxaana Al-Shabaab iyo Beeshaas dhex maray dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawac badan ka dhashay kaasoo ugu dambeyn keenay in Al-Shabaab looga adkaado.

Like it? Share it!

Leave A Response