Al-Shabaab oo weeraray degaan u dhow Magaalada Marka

by admin | Thursday, Aug 6, 2020 | 401 views

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen degaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu sigaar ah uga dhacay Xaafada Naftaa quur oo ka mid xaafadaha deegaanka Ceeljaale, halkaas oo uu ku sugan yahay Taliyaha 7-da Tuulo Cabdullaahi Macow iyo Xubno kale.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka Octoober ee gacanta ku haaya Magaalada Marka ayaa sheegay in Ciidamada ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay ka dileen hal xubin kuwo kalena ay ka dhaawaceen.

Wuxuu kaloo taliyaha sheegay iney markasta diyaar u yihiin iney ka hortagaan weerar kasta oo kaga yimaada Al-Shabaab, sidoo kalena ay fulin doonaan howlgallo kala duwan oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan degaannada u dhow dhow Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay degan tahay, hayeeshee Ciidamada Millateriga Soomalaiya ay wadaan howlgallo kala duwna oo ay ku baadi goobayaan Xubnihii Al-Shabaab ee degaanka soo weeraray.

Facebook Twitter Pinterest Telegram
Previous article
Radio Hiigsi Editor Mohamed Abuuja is freed after nearly five months in arbitrary detention
Next article
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
RELATED ARTICLESMORE FROM AUTHOR

Golaha Wasiiradda oo meel mariyay Habraacyo cusub

Ciidamada Booliska Galmudug oo howlgal qorsheysan fuliyay

Maamulka Hir-Shabeelle oo Wafdi u diray degmada Buulo Burde

Hooyo Soomaaliyeed oo Sweden looga qaatay canugii sideedaad

DHAGEYSO:-Warka Duhur ee Radio Risaala 06-08-2020

Dhageyso:-Puntland oo digniin la xiriirta Dekadda Boosaaso u dirtay Ganacsatada
RUKUMO RADIO RISAALA
56,040FansLIKE
4,069FollowersFOLLOW
3,990SubscribersSUBSCRIBE

DHAGEYSO WARARKA RADIO RISAALA

DHAGEYSO:-Warka Duhur ee Radio Risaala 06-08-2020
August 6, 2020

DHAGEYSO:-Warka Subax ee Radio Risaala 06-08-2020
August 6, 2020

DHAGEYSO: Warka Habeen ee Radio Risaala 05-08-2020
August 5, 2020

DHAGEYSO: Warka Duhur ee Radio Risaala 05-08-2020
August 5, 2020
FAALLOOYINKA

Daawo:- Aragtida Shacabka Muqdisho iyo xilka qaadisii Kheyre
July 27, 2020

Dhageyso:-Maxaa keenay walaaca laga qabo muddo kororsi ay sameystaan Madaxda DFS?
May 28, 2020

Dhageyso:-Xildhibaano sheegay in Xukuumadda Afduubatay Baarlamaanka (Warbixin)
May 27, 2020

DAAWO:-Hooyooyinka Xalay Miisaskii laga xaaqay oo Taayaro ku dul Ganacsanaya
May 21, 2020

Like it? Share it!

Leave A Response