Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ay leeyihiin Ciidamada AMISOM & kuwa Jubbaland

by admin | Sunday, May 26, 2019 | 665 views

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa xalay ay weerareen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah socday.

Maamulka deegaanka Bilis Qooqaani oo hoostagta degmada Afmadow ayaa sheegay inay weerarkaas ka warhayeen kana hortageen,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Guddoomiyaha deegaanka Bilis Qooqaani Muuse Macalin ayaa sheegay in dhankooda aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dagaalkaas,hayee ay arkeen meydka ruux ay dileen,kadibna ay uga tageen goobtii lagu dagaalamay.

Weerarka xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bilis Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Gobolkaasi uu abaabul  dagaal ka wado madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Like it? Share it!

Leave A Response