Al-Shabaab oo weeraro ka geystay degaano hoostaga Mandheera & khasaaro ka dhashay

by admin | Tuesday, Aug 9, 2022 | 463 views

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weeraro ku qaadeen Saldhigyo ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaano hoostaga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Weerarada oo laba ahaa ayaa Kan koowaad waxaa uu ka dhacay degaanka deegaanka Illile oo ah deegaan hoostaga degmada Ceel-qaalow ee Magaalada Mandheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhaawacmeen 6 kamid ah askarta Kenya wallow weli weerarkaas aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya.

Weerarka labaad ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Waraabeeyo oo hoostaga magaalada Mandheere, kadib markii ay Al-Shabaab qaraxyo ku bur buriyeen dhismo ay dowladda Kenya ugu tala gashay in doorashada ka dhacdo, balse lama sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkaas.

Weeraradaan ka dhacay meelo kamid ah Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa kusoo aadaya xilli dalka Kenya ay Maanta ka bilaabatay doorashada Madaxtinnimada Kenya oo dadweynuhu ay codeeynayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response