Al-shabab oo sheegtay in ay nolosha ku hayaan Ciidan ka tirsan Kenya

by admin | Tuesday, Sep 25, 2018 | 860 views

Xarakada AL-shabab ayaa sheegtay in ay 10 ka mid ah Askarta Kenya ku dishay dagaal shalay ka dhacay degaanka Taksiile oo ka tirsan Lamu.

Al-shabaab ayaa sheegay in Saldhig Ciidanka Kenya ay la haayeen la wareegeen sidoo kalena gacanta ku dhigeen Askar dhaawac ah.

Askarta dhaawaca ah ayey sheegeen in looga cararay Saldhigga Islamarkaana halkaas ka soo qabteen.

Ciidamada ay hayaan ayey tiradooda ku sheegeen ilaa saddex Askari,kuwaas oo dhaawac ahaan ay ku qabteen,waxaana ay ku sheegeen Maxaabiis dagaal.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Kenya ayaa shalay sheegtay in dagaalka ka dhacay Taksiile ay ku dileen 10 ka mid ah AL-shabaab sidoo kalena ka furteen 7 Qori oo AK47 ah iyo Rasaas badan.

Ma jiro ilo ka madaxbanaan labada dhinaca oo xaqiijiyay sida ay wax uga dhaceen degaanka Taksiile ee ka tirsan Lamu oo ay labaduba guulo ka sheegteen.

Like it? Share it!

Leave A Response