AL-SHABAB OO XUKUNNO KU FULISAY DAD AY KU QABTEEN DAMBIYO KALA DUWAN

by admin | Sunday, Aug 12, 2018 | 940 views

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay xukun ku fulisay labo Nin oo Kufsi iyo dil u geystay lix Haween ah.

Labada eedeysane ayaa midkood lagu eedeeyay in uu kufsaday Afar Haween ah oo uu labo ka mid ah dilay Kufsiga kaddib,waxaana lagu xukumay 100 Jeydal iyo in uu bixiyo diyada labada Haweenka ah ee uu dilay.

Arrintaas ayaa ku timid kaddib markii labada Haweenka ah ee la dilay ehelkooda ay dilka ka cafiyeen islamarkaana diyo dalbadeen.

Sidaas ayaana eedeysanaha 1aad loogu xukumay 100 Jeydal, saddex Sano oo Xarig ah iyo diyada labada Haweenka ah ee uu dilay.

Eedeysanaha labaad ayaa isna lagu riday xukun 100 jeydal ah oo xukunka labo gabdhood oo uu kusfi u geystay ah,waxaa kale oo lagu xukumay labo Sano oo Xabsi ah.

Xukunkan ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan halkaas oo ka mid ah degaannada ay maamulaan Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response