Alshabaab oo Sabab yaab leh u Afduubay Gabar 6 jir ah

by admin | Friday, Aug 3, 2018 | 1153 views

Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in Dagaalyahanada Al-Shabaab ay gabar 6 sano jir ahayd ka afduubteen qoyskeeda oo ku nool magaalada Xarboole oo ka tirsan gobolka Gedo.

Qoyska laga afduubtay gabadha ayaa sheegay in dagaalyahanada ay soo weerareen hooygooda habeenkii Arbaca ahayd saq barkii isla markaana ay weydiisteen gabadhooda oo qabtay cudurka albinism-ka ama dadka cad cad.

“Afduubayaasha waxa ay guriga soo weerareen habeenkii saq dhexe waxayna dalbadeen in latuso gabadha halka ay jiiftay ama ku hurdeysay, waxay ka wateen sariirteeda iyagoo saartay gaari,” ayuu yiri gabadha Aabeheed Cabdikher Wali.

Aabaha dhalay gabadha ayaa sheegay in maleeshiyaadka hooyga soo weeraray ahaayeen 5 dagaalame oo ku hadlayay luuqadda Somaliga ah, waxana uu intaa ku daray inaysan jirin waxyaabo kale oo ay hooyga ka qaateen.

Al-Shabaab ayaa markii hore afduuban jiray wiilasha dhallinyarada ah kuwaas oo ay si qasab ah ku dagaal galiyaan iyagoo sidoo kale afduubta gabdho yar yar oo ay dhigtaan adoomo ay u galmoodaan.

Mas’uul kamid ah maamulka deegaanka oo lagu magacaabo Sheekh Mustafa Cali ayaa sheegay in falkaan uu yahay afduubkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee loo geysto canug yar.

Inkastoo arrintaan ay tahay mid ku cusub Somalia ayaa hadane afduubka iyo dilalka loo geysto dadka albinism-ka waxa ay tahay mid aanan ku cusbeen bariga Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response