AMAKAAG: Aabe Sanado Badan Kadib Ogaatay In Carruurtiisa Inuusan Dhalin Oo Been Loo Sheegay

by admin | Saturday, Jan 19, 2019 | 849 views

Richard Mason oo ah 54 jir meel fiican ka gaaray ganacsiga, isla markaana wax ka asaasay barta internet-ka ee MoneySupermarket.com, ayaa sheegay in markii dhakhtarku warkaa u sheegay uu dareemay sida qof dubbo lala dhacay.

Balse arinta ugu naxdinta badneyd ayaa ahayd in saddexda canug ee ay u haysay xaaskiisii hore ee Kate, aanu isagu dhalin.

“Dhakhtarka ayaa ii sheegay in dhammaan ragga qaba xanuunka cystic fibrosis ay yihiin kuwa madhalays ah, oo ay aad u adag tahay inay aabbo noqdaan,” ayuu maalqabeenkaasi u sheegay BBC-da qeybteeda Radio 5 Live.

Mason ayaa dhakhtar taranka qaabilsan u tegay ka dib markii ay muddo uur u yeelan weyday gabadha ay hadda wadajoogaan ee Emma, sidaa ayaana lagu ogaaday inuu qabo xanuunka.

Maalqabeenka ayaa markii uu ogaaday in aanu waxba dhali karin waxa uu su’aalo weydiiyay xaaskiisii hore ee Kate, taasoo ay kala tageen 2007 ka dib 20 sano oo ay qoys ahaayeen.

Waxa ay u sheegtay in saddexda canug oo kala ah mataano Ed iyo Joel oo 19 jir ah, iyo Willem oo 23 jir ah uu isagu dhalay, balse waxaa taa beeniyay baaritaan DNA oo ilmaha lagu sameeyay.

Ka dib Mason ayaa maxkamad la tiigsaday Kate, waxaana bishii November ee sanadkii hore ay ogolaatay inay bixiso magdhaw dhan 320,000 oo dollar. Furiinkeeda waxa ay horay ugu qaadatay lacag dhan 5 milyan oo dollar.

Balse garsooraha maxkamadda ayaa u ogolaaday Kate inay qariso heybta ninka ka dhalay saddexda canug.

“Ma aysan dooneyn inay magacawdo aabbaha dhabta ah, sababtuna ma ogi. Waa taa sababta ay u go’aansatay inay magdhawga bixiso, maadaama haddii ay sidaa samayso aan looga baahneyn inay shaaciso magaca aabbaha,” ayuu Roger Terrell oo ah qareenka Mason u sheegay wargeyska Daily Telegraph

Like it? Share it!

Leave A Response