Amar cusub oo lagu soo rogay Magaalada Balad Weyne

by admin | Saturday, Dec 22, 2018 | 809 views

Taliska Booliska Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay soo saareen Amaro ku socda Gaadiidka Muraayadaha Madow leh ee ka Shaqeeya gudaha Magalada Baladweyne iyo Mooto Bajaajta.

Taliyaha Saldhiga Baladweyne Booliska  Gaashaanle dhexe  Maxamed Macow oo Warbaahinta la hadlay sheegay in Darawaliinta ka Shaqeeya Magalada Baladweyne laga doonayo in Gawaarida ay wataan ee Muraayadaha Madow leh ay ka fujiyaan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Balad Weyne Gaashaanle Dhaxe Maxamed Macoow ayaa awaamiir kala duwan kasoo saaray gaadiidka kala duwan ee isticmaala wadooyinka magaladaasi.

Waxa uu sheegay taliyaha  in aan magalada Balad Weyne lagu arki karin gaari ay miyaaradahiisa beensal yihiin cidii lagu arkaana ay u arkayaan ciidamada Booliska in ay ka qeyb qadanayaan amni daradda magaalada.

Waxa uu tibaaxay in beensalka loo ogolyahay oo kaliya gaadiidka ay wataan madaxda iyo shaqaalaha kale ee dowladda.

Sidokale waxa uu taliyaha ka mamnuucay magalada Balad weyne  Bajaajta daaha leh taas oo uu sheegay in ay lamid tahay beensalka.

Like it? Share it!

Leave A Response