AMARKII LAGU DILAY WARIYE JAMAL KHASHOGGI OO LA SHEEGAYO IN UU KASOO BAXAY BOQORTOOYADA SACUUDIGA.

by admin | Wednesday, Oct 10, 2018 | 875 views

Saraakiil sare oo katirsan Turkiga ayaa laga soo xigtay in Amarkii lagu dilay Wariye Jamal Khashoggi uu ahaa mid ka yimid Madaxda Sare ee Sacuudiga.

Dadka dilkaas geystay ayaa heystay Amar sare oo dhanka Boqortooyada ah sida Baaris hordhac ah oo laga helay Saraakiisha Ammaanka.

Turkiga ayaa Talaadadii soo bandhigay Muuqaal ay qabteen Kaamirooyinka Qarsoon, oo Caddeynayay Saacadda, Taariikhda iyo Muuqaalka Wariye Jamal oo Qunsuliyadda sii galaya.

Shakiga ayaa keenay in aan la helin Muuqaal ah isaga oo kasoo baxaya Qunsuliyadda, waana tan keentay in Turkiga uu dalbado in uu helo Ogolaanshiyo uu Gudaha ugu galo si ay baaritaano ku sameeyaan.

Wargeyska New York Times ee uu la shaqeynayay Jamal ayaa daabacay Xogta Tuhunkaan ah in la rumeysan yahay in Dilka Suxufi Khashoggi uu ahaa mid ka yimid Madaxda sare ee Boqortooyada.

Xukuumadaha Riyadh iyo Ankara ayaa isku tuur-tuuraya Eedda dilka Wariyaan, waxaana maalinba maalinta ka dambeysay kasoo kordhaya Xogo labada dhinac kasoo baxaya.

Like it? Share it!

Leave A Response